Skip to main content

Somali (Somali)

Waxaan xalinaa cabashooyinka ku sahabsan tilifoonka ama adeegyada intarnadka.

Waxaanu nahay adeeg madaxbanaan oo lacag la'aan ah. Taasi micnaheedu waxa weeyi lacag bixin maysid cidna lama safano.

Qeybta cabashooyinka shirkadda isgaarsiinta telefoonka ayaa kaa caawin karta:

  • Heshiisyada: Ma ku raacday wax aadan fahmin?

  • Biillasha: Ma u maleeysaa biilkaaga inuu qaladan yahay ama aad dhib ku qabto bixintiisa?

  • Qaladaadka iyo dhibaatooyinka adeega: Tilifoonkaaga ama adeega internet-ka ma shaqeeynayo?

  • Ka jarista: Tilifoonkaaga ama internet-ka ma laga jaray?

  • Ururinta deynta: Ma lagu weydiiyay inaad bixiso deyn aadan adiga laheyn?

  • Dhaqamada iibinta: Miyaa lagaa iibiyey qorshe ama qalab aadan awoodi karin?

Sida aan adiga iyo adeeg bixiyaha aan ula shaqeeyno

Haddii adiga, ama shaqsi aad wacayso, isticmaalo tilifoon ama Intarnat waan ku caawi karnaa. Wuxuu noqon karaa adeeg lagu isticmaalo guriga ama ganacsi yar. Waa tan sida ay u shaqeeyneyso:

  1. Isku day inaad la xaliso cabashada adeeg bixiyahaaga.

  2. Haddii aadan xallin karin cabashada bixiyahaaga, naga soo wac.

  3. Waxaan go'aaminaynaa haddii aan wax ka qaban karno cabashada.

  4. Waxaan la shaqeeynaynaa adiga iyo bixiyaha si loo xaliyo cabashada.

  5. Adiga iyo bixiyaha ha isku raacina, Baaraha dhaqaalaha ayaa go'aaminaya sida loo xaliyo cabashada.

Helida qof ku caawiya adiga

Waxaad sidoo kale weydiin kartaa qof kale inuu kuu gudbin caabashada ama ganacsigaaga, sida saaxiibkaa, xubinta qoyska ama la taliyaha dhaqaale. Ku weydiiso tilifoonka foomamkeena ogolaanshaha ama ka hel webseedkeena.

Nagala soo

Waxaad ku caban kartaa webseedkeena www.tio.com.au/complaints ama waxaad wici kartaa 1800 062 058.

Waxaad warqadd ku soo diri kartaa PO Box 276, Collins Street West, VIC 8007 ama fakis ku soo dir 1800 630 614.

Sawirka wuxuu muujinaya labo sawir oo ku yalla bidix iyo midigta koo ka horjeeda sawirka bartaha ku yalla. Waxaa jir saxixa sinaanta oo u dhaxeya sawirka ku yalla bidixda iyo midigta iyo midka bartamaha.

Haddii aad u baahan tahay inaad isticmaasho luuqaad aan ka aheyn Ingiriis, wac Adeega Fasirada iyo Turjumista 131 450 waxayna ka caawin doonaan inaad nala hadasho. Waa adeegyo lacag la'aan ah.

Wac lamabarada kore ku xusan ee tilifoonada gacan ee qiimo lagu soo dalici karo.